Maxaa ka cusboonaadey Khilaafka Somalia & Ethiopia Kadib Dagaaladii Kooxda Shababka

Somalia news

Maamulka cusub ee Somalia waxaa laga yaabaa inuu wajaho laba caqabadood oo khatar ku ah barnaamijyadiisa Siyaasadeed arrimaha Gudaha & Dibadda ee Dalka, marka la eego xiriirka caadiga ah ee Dawladaha deriska qaarkood, kuwaasoo carqaladeyn kara, iyadoo farta lagu goday sababo xiriira ku tiirsanaanta Ciidamada  ilaalinta ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta ah…

Sida uu ku qeexay halheyska Barnaamij Siyaasadeedkii xiligii Doorashada Madaxweynaha Somalia “Somalia oo Heshiis ah Dunidana la heshiis ah, Waxaa durbadiiba ku yimid caqabado ay garwadeen ka tahay Ethiopia, iyagoo aad uga carooday la-tashi la’aanta codsiga ku biiritaanka Ururka EAC & Booqashada Egypt ee Madaxweynaha Somalia, talaabooyinkaan ayaa abuuray tuhun sii kala fogeeyay wada-shaqeynta Maamulka Dowladda 🇸🇴 iyo midka 🇪🇹.

Dagaalka ay Kooxda argagixisada Shababka ku qaadeen laba Degaan Oo Ka tirsan Kilinka Soomaalida Ethiopia ayaa sii huriyay xiisada u dhaxeysa labada Dal, Inkastoo aan xisaabtaan marnaba la waafajin karin xurguftaan, hadana waxaan meesha ka marneyn ukumaha sumeysan ee Maamulkii Farmaajo iyo Sirdoonkiisiba oo ka warqabay tirade badan Ee Maleeshiyaadka ka soo jeeda Oromada iyo Soomaalida Ethiopia oo lagu tababay gudaha Konfurta Somalia.

Hanjabaadaha ka soo yeeraya Hogaanka  Kilinka Soomaalida Ethiopia iney 3-Gobol Oo ka tirsan Konfurta iyo Bartamaha Somalia ay ka dhisi doonaan Aagaga keyd u ah (Buffer Zones), ayaa talaabadaan ka dhigtay mid meel ka dhac ku noqon doonta Karaanada, Midnimada & Wadajirka Dalka, waxeyna sii xoojineysa dib u gurashada oo markii hore loo arkaayey mid Ethiopia ku diidan tahay isbadalka ka curtay Somalia, taasoo aan ka turjumeynin in xiriir derisnimo.

Balse Dowladda & Shacbiga Soomaaliyeed Waa iney ka feejignaadaan dhagaraha ay wada dejiyeen Maamulka Oromada Addis abeba iyo Haraadiga Maamulkii hore (Farmaajo, Fahd & Kulane-jiis), kuwaasoo doonaya in Gobolada Gedo, Bakool iyo Hiiraan degaanada Xadka ku yaala ugu yaraan ay ka sii dhisnaadaan Maamulada hadda dhisan, hadii la waayana lagu daro Kilinka Soomaalida Ethiopia, in Biyaha Wabiyada la xakameeyo iyo in la hubeeyo Qabaa’ilada Degaanadaasi si ay ugu kacaan Dowladda Federaalka.

204070cookie-checkMaxaa ka cusboonaadey Khilaafka Somalia & Ethiopia Kadib Dagaaladii Kooxda Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

4 thoughts on “Maxaa ka cusboonaadey Khilaafka Somalia & Ethiopia Kadib Dagaaladii Kooxda Shababka

  1. Waxaan la yaabay safarka Xasan Shiikh siduu uga argagaxay Abiy oo isla markiiba Ruushka ugu wacday, kkkkkkkkkkkk,,,,,,,, Maskax aan fadhin waxay dhashaa tan oo kale. Sal fudeedka Abiy wax inagu cusub ma ahan!

  2. Ethiopia waa ku daysay meel aanay kasoo noqonayn bay gaartay ‘point of no return‘ ninkii raacsan iyo kii necbaa cudur aan dawo lahayn baa ku dhacay wixii qowmiyado la isku toltolayey baa qarxay oo cancer ku noqday layskuma hayo inay dhimanayso waase goorma baa la usku hayaa ma bil baa ma sannadbaa

  3. Aduunka was is bedalay xiliyadii Shuuciyada & ku qaraavashada Diimaha Wa soo dhamaadeen oo waad aragtaa in Ukraine dhaqaale lagu difaaci karin (Ninkii wuxuu yiri Ilko goroyo noo sahansan

  4. Inta badan Shacbiga waxey aaminsan yihiin in laga reeystay F&F (Farmaajo iyo Fahad) maxaa yeelay Djibouti & Kenya xiriirkoodii mid Ayuu u soo laabtay, Abiy iyo adeegayaashiisa ayaa ku dawarsanaaya in Muslimiin ku soo duuleen Dalkooda oo Russia uga raba Hub iyo Rasaa

Comments are closed.