Maxaa Ka Cusub Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Somalia news

Magaalada Baladweyne gaar ahaan Xaafadda Xaawo Taako waxaa la wareegay Ciidamo la magac baxay “Badbaadada Hiiraan” oo sheegay iney diidan yihiin safarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu tago Magaaladaasi, iyadoo xiligaan Magaalada ay ka taagan tahay xaalad Cabsi ah…

Xiisadaan ayaa Sare u kacday kadib markii xilka laga qaaday Cabdullaahi Cilmi Barre oo dhawaan laga qaaday Abaanduulaha guutada 5-aad qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hoggaamiye u ah ciidankaas qabsaday Xaafadda Xaawo Taako waxa uu sheegay in aanay aqbali doonin safarka Madaxweynaha.

Aniga oo ah Ciidanka Badbaadada Hiiraan waxa aan si nabadgalyo ah kula wareegnay Xarunta Gobolka Hiiraan laga xukumayay, waxaana kalifay in aan arrintaas sameyno waa dhibaatada loo geysanayo Shacabka, Ciidamadu sidoo kale waxa ay la wareegeen xarunta lama-galaay” ayuu yiri Cabdullaahi Cilmi Barre.

Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta waxa uu ugu baaqay in aanay loo adeegsan duullaan ka dhan ah kooxdaan la magac baxday “Badbaadada Hiiraan” sida uu hadalka u dhigay Cabdullaahi Cilmi Barre.

Sidoo kale Nuur Dheere oo soo qabtay Xilka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe, kana mid ah Hogaamiyayaasha gadoodka ayaa ku fasiray sababta ay u gadoodeen iney ka dhalatay dhibaatooyin ka jira Gobolka Hiiraan oo in muddo ah la daawanayay.

136910cookie-checkMaxaa Ka Cusub Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan