Ma Dhabaa In Villa Somalia Ay Guddiga Doorashada Culeys Ku Saareen..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Warar is khilaafaan oo ku aadan Culeysyo ay Villa Somalia iyo Hogaanka NISA saareen 24-kii saac Ee u dambeeyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee Heer Federaal, si uu xilka isaga casilo, bacdamaa Awoodihii lagu wareejiyay Guddiga Doorashada heer Gobol…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Golaha Wadatashiga Qaran ay maantay u yeereen Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada dadban ee heer Federaal Maxamed Xasan “Cirro”, si loogu gudbiyo go’aanka Hab-raaca Doorashada dadban oo ay soo saareen Ra’iisalwasaaraha iyo Maamulada Gobolada.

Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ayaa cabsi weyn ka qaaday hab-raacaan cusub, waxeyna ku wargeliyeen Guddiyada Doorashada dadban iney dhamaantood is-casilaan, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan iney ku diideen dalabkaasi.

136940cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia Ay Guddiga Doorashada Culeys Ku Saareen..