Ilaalada Mucaaradka Oo Hub Ka Dhigis Loo Qorsheeyay

Somalia news

Warbixno la soo gaarsiyay Diinah.com ayaa muujinaaya in Hogaanka Villa Somalia iyo NISA ay dejiyeen qorshe qatar ku ah Amaanka Siyaasiinta Mucaaradka, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka…

Kulan xalay Fiidkii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayna ka soo qeyb galeen Guddiga Amniga Qaranka, Talisyada Ciidamada Qalabka Sida, ayaa looga dooday xaalada amni ee Magaalada iyo sidii loo caburin iyo cabsi gelin lahaa Kooxaha Mucaaradka iyo Odayaasha ka soo Horjeeda Maamulka Farmaajo.

Intii uu Kulankaan socday Agaasimaha NISA Adeege Fahad ayaa warbixin ka siiyay xaalad amaan ee Magaalada Guddiga iyo qeybaha kala, wuxuuna usoo bandhigay Xog uruurin ay mudooyinkii u dambeeyay ay soo diyaarinayeen Hogaamada kala duwan ee NISA ku aadab sida loo wiiqi karo Siyaasiinta Mucaaradka ah, isla markaasna loo baahan yahay in diiwan-gelinta lagu sameeyay Ciidamada DFS ka tirsan ee ilaalada u ah Mucaradka Dowlada.

Mr.farmaajo ayaa Amar buuxo ku siiyay Dhamaan Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida inay hubka dhigis ku sameeyan dhamaan ilaalada Siyaasiinta Mucaaradka hadii ay ahaan laheyd Xildhibaano , Siyaasiin Hore ama Madaxweynayaashi hore ee soo maray dalka sida Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamud.

Diinah.com ayaa si hordhac ah loogu soo gudbiyay in xuuraan ku ogaatay in la diiwan galiyay 310 Askari oo ilaalo u ah xubnaha Mucaaradka kuwaaso la doonayo in hubka dhigis dag dag lagu sameeeyo.

38080cookie-checkIlaalada Mucaaradka Oo Hub Ka Dhigis Loo Qorsheeyay