Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulan qarsoodi ah oo ay wada yeesheen Xubno ka tirsan Ururka Al-Islaax iyo Farmaajo, Kulankaan ayaa daba socday codsi ka yimid Agaasimaha NISA, waxaana hadlay qodobo Xaalada siyaasadeed iyo Doorashada Dalka…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Farmaajo uu ka codsaday Madaxda Urur Diimeedka iney ka taageeraan soo labashadiisa doorashada soo socota, wuxuuna u balanqaaday iney saami xileed oo Wasiiro, Danjirayaal uu ka siin doono Ururka hadii uu dib u soo laabto.
Wararka ayaa sheegay in Hogaanka Ururka ay aqbaleen codsiga Farmaajo, inkastoo Xubno ka tirsan Ergada Ururka ayaa soo jeediyay iney kula laabtaan Golaha Dhexe ee Ururka si wadajir ah loogu meel mariyo taageeridda dib u doorashada Farmaajo.
Uruka Al Islaax oo asal ahaan ka soo fircamay ururka Ikhwaan Muslimiinta dalka Masar ayaa sannadkan wada abaabul ay ku doonayaan iney saameyn muuqata ku yeeshaan Golayaasha Dowladda, Adeege Fahad Yaasiin ayaa horay gacanta ugu haystay ururka Alictisaam (Ex Alitixaad) laakiin waxaa la yaab noqotay sababta xilligan ku riixaysa in ay taageero waydiistaan ururka Alislaax.