Maxaa Ka Dhab Ah In Shababku Saameyn Ku Leeyihiin Manhajka Waxbarashada

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Horjoogayaaha Kooxda argagixisada Shababka, ay barwooyin (Invitation) u direen Maamulada Dugsiyada iyo Daladaha Waxbarashada, iyagoo ku wargeliyay iney iska xaadiriyaan Goobo cayiman oo Duleedka Magaalada Mogadishu…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulada Dugsiyada iyo Daladaha si hordhac ah loogu sheegay in Manhajka Waxbarashada oo ay dhowaan soo saareen Kooxda lagu bedelo kuwa haatan Dugsiyada hoose/Dhexe/ iyo Sare, iyagoo la faray iney joojiyaan manhajyada kala duwan Ee Daladaha Waxbarashada dhigaan.

Sidoo kale Horjoogayaasha Shababka ayaa ku wargeliyay Maamulada Dugsiyada iney dhaqaale (Qidmad) ku soo rogaan si loogu kabo Halganka Kooxda ku jirto, Dhacdooyinkaan ayaa durba caqabad ku noqotay Maamulayaasha Dugsiyada, iyagoo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen amarka Kooxda, maadaama aysan didi karin, sidoo kalane aysan aqbali karin, maadaama Muqdisho ay ka taliso Dowlada.

Guud ahaan Somalia marka laga reebo degaanada Puntland iyo Somaliland waxaa hadda ka dhaqan galay Manhajka ay soo saartay dowladda Federaalka, kaasoo ka kooban ilaa Dugsiyada Sare, Kooxda ayaa horey amaro badan uga dhaqan-gelisay Muqdisho, sida inay ka qaado canshuur, hase yeeshee arrinta manhajka ayaa ah mid ka duwan maadaama ay tahay wax muuqda, oo aan sida canshuur bixinta loo qarin karin.

136110cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah In Shababku Saameyn Ku Leeyihiin Manhajka Waxbarashada