Guddiyada Doorashada Ee Heer Federaal Oo Isku Khilaafay Hab-raaca

Somalia news

Kadib markii shalay ay laba qoraal iska soo horjeeda ay soo kala saareen Xubnaha Guddiyada hirgelinta Doorashada dadban ee Heer Federaal, waxaana lagu Eedeeyay Farmaajo & Fahad iney Weli saameyn iyo fara gelin ku Hayaan Guddiyadaan…

War-saxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa lagu sheegay in aan la isku raacsaneyn habraacii lasoo saaray, iyagoona shaaciyay in habraacyada aysan ahayn kuwo sax ah.

Xubnahaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashada ee uu hoggaamiye Guddoomiye Maxamed Xasan Ciro ay soo saareen habraac aan waafaqsaneya wadajirka Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee FEIT ayaa warqad uu u diray Madasha Wadatashiga Qaran waxaa uu ku wargeliyay in habraacyadii doorashooyinka warbaahinta lala wadaagay in aan loo marin waddadii ku habooneyd, isla markaana aysan jirin wax uu ka og yahay shaacintooda.

136040cookie-checkGuddiyada Doorashada Ee Heer Federaal Oo Isku Khilaafay Hab-raaca