Roobow Oo Walaac Ka Muujiyay Amaankiisa

Somalia news

Mukhtaar Roobow Oo markii ugu horeysay bixiyay wareysi isagoo xabsi guri ku ah hoy ku yaal Magaalada Mogadishu oo ay maamulaan Maleeshiyo beeleedyo huwan magaca Hey’adda NISA, ayaa walaac ka muujiyay badqabkiisa iyo Guud ahaan Caafimaadkiisa…

Hogaamiyahaan muddo laba sano iyo dheeraad xabsi guri ay dhigeen Farmaajo, Qorqor iyo Lafta gareen ayaa sheegay “Amaankeyga xil iyo kala duwan ayuu soo maray Balse mar walba Waxaa gacanta ku hayay Xoogaga Warran Oo hoos taga Hey’adda NISA”, wuxuuna intaasi raaciyay “ Hadda kuma dhihi karo Amaankeygu 100% Waa sugan yahay”.

Mr.Roobow ayaa sheegay in Kooxda ilaalisa laga soo kala xulay Magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusa mareeb, waxeyna badankoodu hoose tagaan Hogaamiye kooxeedka Qorqor, isagoo sheegay inuusanNabaf wax ku raadinaayo hadii aan la qasbin.

147210cookie-checkRoobow Oo Walaac Ka Muujiyay Amaankiisa