10-ka Dal ee ugu Dembiyada Badan Qaarada Afrika & Kaalinta Somalia…

Africa News

Inkastoo Qaarada Africa aysan caan ku aheyn Amaanka, Xasiloonida iyo Degenaashaha, ayaa waxaa la soo saaray liiska Dalalka ugu dembiyada badan qaarada sanadkan 2023, waxaana hogaanka u haysa Dalka South Africa, Yeelkeede, waxaan ka fogayn oo kaalinta 2-aad ciriirsatay Dalka Somalia, halka ay 3-aad ku jirto Dalka Nigeria….

Dad badan ayaase dood ka keeni kara qiimayntaan, waayo tiiyoo ay dhab tahay in Somalia aysan amaan ahaan sugnayn misna kama dhacaan Dembiyada ka dhaca Dalalka la dhexgeliyey ee South Africa iyo Nigeria, Tusaale ahasn Dalka S/Africa ayaa si joogto ah loo dhacaa Dadka maalinta cad loona dilaa, iyadoo weerar abaabul oo hubeysan lagu qaadaa Meheradaha Ganacsiga Ajaaniibta.

Dhanka kale, Dalka Nigeria waa dal ka mid ah kuwa dunida ugu horreeya dembiya abaabulan, Farsamaynta been abuurka lacagaha wax lagu dhaco sida haybta qofka oo la adeegsado (identity theft), ka ganacsiga Daroogada, sixirka, ka shaqaysiga koontarobaanka, foojariga IWM.

287770cookie-check10-ka Dal ee ugu Dembiyada Badan Qaarada Afrika & Kaalinta Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com