Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Sharci Darro Ka Dhigay Magacaabista Farmaajo

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Somalia Mr.Cabdi Xaashi ayaa sharci darro iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay dikereto taariikhdeeda dib loo dhigay oo uu saxiixay Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo, isagoo Magacaabay 7-Xubnood oo ka mid ah Golaha Adeega Garsoorka….

Wuxuuna Gudoomiyaha uu sheegay in Xeerka Madaxweynaha uu saxiixay uu jebinaayo qodobada Dastuuriga ah ee qeexaayo hanaanka loo magacaabaayo Golaha adeega Garsoorka, iyadoo aan la marsiinin Gole Wasiiro iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay 22-kii bishii November Golaha Shacbiga ay u gudbiyeen Aqalka Sare Liiska Xubnahaan, iyadoo ay ansixiyeen Dowlada Xil-Gaarsiin ah, iyadoo sharci darro aheyd hanaanka loo maaresyay magacaabistaan.

Wuxuuna qoraalka ku cadeeyay hanaanka ay tahay in loo maro dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, isagoo ka dhigay in Xiliga kala guurka ah ay ku dhiiradaan Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo inuu ku tunto Dastuurka iyo shuruucda Dalka u degsan.

95020cookie-checkGudoomiyaha Aqalka Sare Oo Sharci Darro Ka Dhigay Magacaabista Farmaajo