Saciid Dani Oo Wareysi Siiyay Warbaahinta BBC-da

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo wareysi uu siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in aanu war u heyn shirka berri ee la sheegay inuu ka furmayo teendhada Afisyooni ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho…

“Waxaan halkaan nimid kaddib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howlana sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka mudadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta.

Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin waxayna u muuqaaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.”ayuu yiri Saciid Deni oo wareysi siiyay Laanta afka Soommaliga

Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay “Maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’da iyo Air Porka dadkii mudaaharadayay lagu qaaday, koley dalka wuxuu ku jiraa marxalad adag oo ciidameysan, oo meel walba ciidan la geynayo, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxaa moodaa in caqligii Milateriga waaguu dalka ka tagaayay ka jiray inuu sameynayo”

103670cookie-checkSaciid Dani Oo Wareysi Siiyay Warbaahinta BBC-da