Maxaa Ka Jira In Kheyre Uu Xisbi Ku Dhawaaqayo Dhowaan

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo laga helay Saraakiisha Xafiiska Wasiirka 1-aad Mr.Kheyre ayaa sheegaya in dhawaan la filaayo inuu ku dhawaaqo Xisbi Siyaasadeed u Gaar ah, taasoo dhabaha u xaarta kala dhimasho Xiliga kala guurka soo dhamaata…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Kulamo wada tashi ah oo heerkii ugu dambeeyay ay ku guda jiraan Gacan-yarayaasha Wasiirka 1-aad, Kulankaan ayaa ka socda Hoteel Jaziira, waxaana lagu falanqeeyay Astaanta iyo magaca Xisbiga, Iyadoo sidoo kale laga dooday xubinta Gudoomiyaha loo xulanaayo iyo Sidii loogu raadin lahaa Taageero Dhaqaale iyo mid Shacbi.

La-taliyayaasha Mr.Kheyre ee horseedka ka ah howsha socota, una wada ayaa waxaa Hormuud u ah Xildhibaan Musdaf Dhuxuloow iyo Nabadoon Max’ed Xaad, iyadona la isla meel dhigay in Gudoomiye loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta Eng.Cabdi Canshuur Xasan.

Ra iisal wasaraha ayaa xogtu tilmaamtay inuu dhowaan filaayo iney soo gaar to dhaqaalaha ugu imanaayo Shirkadaha Badroolka, Talaabadaan ayaa horseedi karta in lagu kala tago, mar hadii laba Xisbi kala sheegtaan Labada Nin.

39540cookie-checkMaxaa Ka Jira In Kheyre Uu Xisbi Ku Dhawaaqayo Dhowaan