Maxaa Ka Jira In La-taliyihii Farmaajo Ee Doorashada Laga Celiyay Kismaayo

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Maanta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose laga celiyay La-taliyihii Dhanka Doorashada (Cabdi Cali Raagge) Ee Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Raage uu la socday Diyaarad Saakay ka tagtay magaalada Muqdishu, balse markii uu ka tagay diyaarada ayaa la sheegay iney Saraakiisha Amaanka Garoonka ku wargeliyeen inuu dib ugu noqdo diyaarada, waxaana loo sheegay in aan loo oggoleyn inuu Magaalada Gudaha u galo.

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Mr.Raage uu musharax yahay kursi yaala Magaalada Kismaayo isla markaasna uu dhaqaale ka soo Qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu tartanka ugu galo, Mr.Raage ayaa lagu tilmaamay inuu sabab u ahaa Khilaafka u dhaxeeya Sheekh Axmed Madoobe iyo Farmaajo.

128200cookie-checkMaxaa Ka Jira In La-taliyihii Farmaajo Ee Doorashada Laga Celiyay Kismaayo