Qarax Is-Miidamin oo Ka Dhacay Maqaayad ku taal Magaalada B/weyn..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax Is-miidaamin xoogan goordhow uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyn, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, Qaraxaan oo si weyn jugtiisa looga maqlay guud ahaan Magaalada..

Wararka ayaa sheegayaa in Qaraxa uu ka dhacay Xaafada Xaawo Taako ayna ku geeriyoodeen 20-Qof, iyadoo Qarax loo adeegsaday Gaari Xamuul ah oo lagu weeraray goob maqaayad ah oo ku taalla agagaarka dhismaha Warshadii Cabitaanka ee Horseed, halkaasoo la sheegay iney aheyd goob Ganacsiyo badan ku yaalaan oo aad u mashquul badan, Dadka goobta ku geeriyooday waxaa ka mid ah qoys deganaa meel u dhow Barta Kontroolka. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalmo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga.

Goobjoogayaal ayaa qiray in qaraxu ahaa mid aad u weyn, waxaana loo maleenayaa in qaraxan loo adeegsaday Gaariga Xamuulka waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maqaayada lagu weeraray, waxaana burbur xoogan ka muuqda Goobta, Waxaa socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada kasoo gaaray qaraxan goordhaw dhacay, walina si cad looma oga khasaaraha uu reebay qaraxa, xaalad kacsanaan ah ayaana ka jirta aaga uu qaraxu ka dhacay,

Marka laga yimaado Muqdisho, magaalada B/weyne waxay noqotay goobta ugu badan oo la kulanta weerarrada argagaxiso ee lagu laayay Shacbiga Soomaaliyeed, lagasoo billaabo bur-burkii maxkamadaha dhammaadkii 2006, waxaa B/weyne ka dhacay qaraxyo tiro beel ah, dilal lagu beegsaday Wasiir, Xildhibaan, waxgaradka iyo Aqoonyahankii indhaha u ahaa bulshada Degaanka iyo maato badan oo aan waxba galabsan, Waxa ka dhacaya Beledweyne waxay u muuqdaan xasuuq isir sifeyn ah oo ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan.

278400cookie-checkQarax Is-Miidamin oo Ka Dhacay Maqaayad ku taal Magaalada B/weyn..