Dib U Dhac Ku Yimid Kulanka Beelaha Mudulood

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Taageerayaasha Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ay ku howlanaayeen maalmihii ugu dambeeyay sidii ula wareegi lahaayeen Shirka guud ee Beelaha Mudulood, kaasoo lagu waday inuu maanta ka furmo Xarunta xerta Macalin Nuur ee Degmada Hodan….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Guddi laga soo abaabulay Villa Somalia Oo ay hormuud u yihiin Imaamka iyo Ugaaska, ayna ku jiraan xubno ka tirsan CBB, ayaa isku dayay iney afduubtaan Shirka, waxeyna si been abuur ah u sameysteen Warqadihii Martiqaadka Shirka, Waxaa lagu talo galay 300-xubnood iney ka qeyb galaan, iyadoo loo qeybiyay 900-xubnood oo ay ku jiraan Xubno ka soo jeeda Beelaha Mareexaan iyo Murusade.

Kadib markii la ogaaday in Abaabulka iyo qorsheynta Shirka laga leexiyay hanankii iyo Han-maamuuskii loogu talo galay, ayaa la sheegay in Madaxweynihii Hore Mr.Cali Mahdi Iyo Senator Muuse Suudi ay la wareegeen Hogaaminta Shirka, waxaana lagu waday inuu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho Kulanka, iyadoo uu dib u dhac uu ku timid, kadib khaladaad badan oo ay sameeyeen guddiga Diyaarinta Kulanka.

Ilaa Xalay waxaa kulamo wada tashi ah lagu lahaa mowlaca Macalin Nuur, iyadoo la isku hayaa laba qodob oo kala ah inivatation ka wax laga siiyo xoogaga wadaniyiinta qeybtooda Mudulood Iyo in Ajandaha shirka laga saaro qodobada qaarkood oo sida lasheegay Wasiir Ducaale rag uu horkacaayo kabiya diidsan yihiin.

Wararka kale ayaa sheegaya in Kulankaan uu dib Dhaca ku yimid, iyadoo Warqado badan (Invitations) oo been abuur la helay, Sidoo kale Xubno badan oo Taageerayaasha CBB Oo beel ahaan ka soo jeeda Mudulood la diyaariyay si ay u carqaladeeyaan isla markaasna nidaam darro iyo fowdo laga dhex bilaabo Goobta Kulanka, kadibna lagu kala tago.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Kulankaan uu dib loo qaban doono Maalmaha Soo socda, iyadoo ay Hogaanka Gudiga qabanqaabada la wareegeen Madaxweyne Cali Mahdi iyo Senator Al-Xaaji Suudi Suudi iyo Xubno kale.

47670cookie-checkDib U Dhac Ku Yimid Kulanka Beelaha Mudulood