Qeylo dhaan Laga soo saaray Tirada Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Somalia

Africa News Somalia news

Sida ku cad warbixin xisaabaadeed at daabacday Wasaarada Maaliyada Kenya ayaa lagu xusay dhaqaalaha ka soo xarooda EU-da, UK & USA ee lagu taageero howlgalja ATMIS ay gaartay 30-Millions US$, taasoo korortay Boqolkiiba 20%, xisaab-sanadeedkaan…

Kororkaan ayeey Saraakiisha Kenya ku tilmaameen mid ka turjumeysa iney kordheen tirada Ciidamada Kenya ee ay qeybta ka yihiin ee Howlgalka ATMIS ee ku sugan gudaha Somalia, ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Hogaanka Ciidamada Kenya ay si qarsoodi ah gudaha Somalia soo geliyeen 266 Askari oo dheeraad ka ah kuwaasoo aan heysan sharciyad.

Talabaadaan ayaa dhalisay shaki & tuhun in aan si cad loo xaqiijin karin Tirada Rasmiga ee Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, inkastoo Mushaaraadka Ciidamada ATMIS ay bishii dhan tahay 1000-$, iyadoo 200-$ ay jarato Dowladda Kenya Harambee ahaan, hadana Warbixin ay diyaarisay Hey’adda PwC ee dhanka xisaabaadka ayaa lagu xusay in la lunsaday malaayiin doolar intii u dhaxeysay sanadihii 2016-kii ilaa 2018-kii.

209710cookie-checkQeylo dhaan Laga soo saaray Tirada Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com