Share the post "Maxaa ka Run ah in Madaxweynaha Somalia uu Safar Qarsoodi ah ku Tagay UAE & Sababta ka Dambeysa.."
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somalia uu 2dii maalmood ee tagtay Safar-Shaqo oo qarsoodi ah ku jooga magaalada Abu Dhabay, isagoo aysan wehlin cid Saraakiil ka tirsan Maamulkiisa, ujeedada safarka ayaa warar kala duwan ka soo baxaayaan kuna aadan khilaafyada Puntland iyo Somaliland..
Xogtaan ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu kulamo la yeelan doono Mas’uuliyiinta UAE iyo Madaxweynaha Puntland si loo dhameeyo khikaafka taagan muddo 2-sano ku dhow, sidoo kale Khikaafka Somaliland ayaa wada hadalada ku jira, Dhaqdhaqaaq ayaa yimid kadib markii Mas’uuliyuinta UAE ay culeysyo lagu saaray iney Joojoyaan taageerada dhaqaale ee ay u fidiyaan Maamulka Muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Puntland.
Dowlada Imaaraadka ayaa ah xiligaan ay Saaxiibka 1aad ee Villa Somalia sidoo kale wuxuu taageero dhinacyo badan u fidiyaa Maamulada Somaliland iyo Puntland, inkastoo taageeradii uu Dani ka rabay uusan ka helin, taasoo muujinaysa labo wajiileynta labada dhinac.