Cuqaasha Dhaqanka Gobolka Awdal Oo Ganafka ku Dhuftay Doorashada Beeleysan ee Somaliland..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku adkeystay in Degaanadooda aysan ka dhici doonin Doorashada qorsheysan hadii aan marka hore tabashadooda la xalin kuna aadan Awood qeybsiga…

Mid kamid ah Cuqaasha degaanka ayaa sheegay in “Anagu 3-Nin oo Ilmo adeer ah daba joogi meyno muddo 33-sano”, wuxuuna intaasi raaciyay in Degaanadooda oo kala ah Degmooyinka uy ka kooban yahay Gobolka Awdal, degaanada Salal iyo Degmada Gabiley ay yihiin Degaanada ay degan yihiin Beesha ayna xiligaan ka jiraan guux iney helaan Maamul ka madax banaan midka Beesha dhexe.

Tani waxey ka dhigan tahay Maamulka Somaliland uu ku soo uruuraayo Gobalada Waqooyi Galbeed iyo qeybo ka mid ah Gobolada Sanaag iyo Togdheer, hadii Gobolka qaadaan wadada Gobolka Sool, waxey Maamulka Hargeysa lumin doonaan dhaqaalaha iyo Canshuuraha ay helaan Xuduudaha Ethiopia iyo Djibouti, iyadoo Maamulka ayaa kala taag taagan muddo 33-sano, waxeyna isku koobeen Sanadreertadii yareyd ee Ganacsatada iyo Dadka laga qaadi jiray mana lasameynin barnaamijyo horumarineed, balaarinta Maamulka iyo kor u qaadida Nolosha Shacbiga.

285290cookie-checkCuqaasha Dhaqanka Gobolka Awdal Oo Ganafka ku Dhuftay Doorashada Beeleysan ee Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com