Gacan ku dhiigle Degmada Burtinle ku Dilay Sarkaal Boliiska ah oo la soo Wareejiyay…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Galxamur ee Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia ayaa sheegaya in lagu soo wareejinayay gacan ku dhiiglihii ku dilay Degmada Burtinle Sarkaalkii Boliiska ahaa maalmo ka hor, kaasoo u baxsaday Dalka Ethiopia…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Eedeysanahaan lagu wareejiyay Xoogaga Amaanka ee Maamulka Gobolka Nugaal, iyadoo uu kala wareegay Talyaha Qaybta Boliiska Nugaal,ayaa lagu sii wareejinayaa,isagoo haatan gaaray Degmada Galxamur.

Sarkaalka la dilay, ayaa kasoo jeeday Boocame ee Gobolka Sool, halka Gacan ku dhiigluhu kasoo jeedo Burtinle, Xiisadaan muddo taagneyd ayaa la filayaa in soo qabsahada Eedeysanaha ay soo af jari doonto isla markaasna Maxkamad la soo taagi doono.

277420cookie-checkGacan ku dhiigle Degmada Burtinle ku Dilay Sarkaal Boliiska ah oo la soo Wareejiyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com