Kooxda Argagixisada Oo Ka Faa’iideysaneysa Dabaca Dagaalada & Hogaan Xumida Villa Somalia..

Somalia news

Weerarka Qorsheysan ee Kooxda Argagixisada Shababka ee Hoteelka SYL ayaa wuxuu banaanka keenay daba furmaha dagaalka iyo Hogaan xumida Villa Somalia oo Kaadiriinteeda ku aamintay Hogaanka Hey’adaha Amaanka, iyadoo aan mudnaanta la siinin Muwaadiniinta Khibrada u leh Xasilinta iyo Xoojinta Amaanka…

Inkastoo ay mudan tahay in la cambaareeyo falalka guracan ee Kooxda Argagixisada ku qaadayaan goobaha Rayidka sida Hotelka SYL oo ku jira xeyndaabka Amaanka Madaxtooyada Villa Somalia, Argagixisadu waa Cadow Diin, Dad, Dal & Dowladda, waana ayaan darro in Dad Muslimiin oo Soman lagu weeraro Hoteelka, waana Cambaareyneynaa Falka Kooxda Argagixisada Shababka.

Magaalada Mogadishu oo in muddo ka reysatay Weerarada kooxdani waxaase muuqata iney fursad ka heleen dabaca ka jira Howlgalada dhanka ka ahaa Kooxda Shababka iyo Villa Somalia oo ku maahquushay meel marinta Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka dhaqaale badan ku bixisay sidii loo hirgelin lahaa Mashruucaan oo guux iyo diidmo ka dhasheen.

Hoteelka SYL ayaa ka mid ah Goobaha ay Xildhibaanadu gaar ahaan kuwa Mucaaradka ku ah Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka iyo Mas’uuliyiinta Dowladdu degan yihiin, iyadoo tiro ka ka mid ahi ay soo gaareen Dhaawacyo kala heer ah, waxaana ka mid ah Xildhibaan Cusmaan halka Xildhibaan Sanyare oo Puntland ka soo jeedo ayaan warkiisa la heynin.

314870cookie-checkKooxda Argagixisada Oo Ka Faa’iideysaneysa Dabaca Dagaalada & Hogaan Xumida Villa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com