Xujooyinka Qarsoon ee Hortaagan Sugida Amniga Caasimada

Somalia news

Dalkaan Fashilka ka heysta Hogaanada Siyaasada iyo Amniga ayaa sabab u ah in la xakameyn waayo weerarada kooxda argagixisada Shababka, Tala xumida taala ayaa ah iney waxqabadkooda ku soo koobeen Isbaarooyin Shacbiga lagu dhibo halka si fudud loo soo gudbiyo Kooxaha doonaya iney weeraraan Bartilmaameedkooda.

Maxaa Laga Faa’iiday Isbaarooyinka

Isbaarooyinka Wadooyinka ay dhigteen Hey’adaha Amaanka waxaa dhaqaale loogu uruuriyaa Madaxda Amaanka, kuwaasoo Daaro ka waa-weyn dhistay Caasimada, Halka Ciidamada fadhiya isbaarooyinka ay mashquul ku yihiin App-ka ciyaarta khamaarka “Game-ka ee 1XBET, ama xaalad abuur ku sameeyaan Shacbiga halkii ay sugi lahaayeen Amaanka, Askartaan qaarkood ayaa shacbiga ku cabsi geliya iney Qaraxyo wadaan si lacago loo siiyo.

Ciladahaan is biirsaday ayaa la aaminsan yahay iney halis ku yihiin Amaanka Shacbiga, ku darsoo Hogaanka Siyaasada ayaa Taageerayaashiisa aqoonta Amaanka ku gaaban ay u xushaan iney Hormuud u noqdaan Hey’adaha Amaanka, halka Wasiirada awooda badan qaarkood ay gabaad siiyaan Saraakiishii Amaanka u xil saarneyd Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo.

Bishii April Sanadkaan ilaa Novembar sanadkaan waxaa Caasimada ka dhacay 39-Qaraxyo kuwaasoo ay ku naf waayeen Shacbi kor u dhaafaya 300 inta badan Dadkaan ayaa ahaa kuwo la tacaalayay nolol maalmeedkooda, Khatarta sii kordheysa ee Caasimada iyo damqasho la’aanta Hogaanka Siyaasada ayaa horseedi karta iney Shacbiga isku tashataan oo heeryada Shababka iyo Hogaanka jilicsan ee Dalka iska dul qaadaan.

228150cookie-checkXujooyinka Qarsoon ee Hortaagan Sugida Amniga Caasimada