Agaasimayaal Xilalkoodii la isku Bedelay & Saameynta Madaxtooyada Villa Somalia…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa isku shaandheyn kooban oo Qarsoodi ah oo lagu sameeyay qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha qaarkood, kadib markii fara gelin toos oo ka timid Xafiiska Madaxweynaha, iyadoo maalmahaan Maamulku uu waday Olole Beegsi ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in isbedel kooban lagu sameeyay in Agaasimayaasha Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dekedaha ee Dalka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Agaasime guud loogu magacaabay, Dr,Guled Cabdi Jalil Sheekh oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha ah.

Ilo wareedkaan ayaa intaasi raacisay in Dr.Jaliil uu xubin sare ka yahay Shirkad ay wada leeyihiin isaga iyo mid kamid ah Gabdhaha uu dhalay Madaxwayne Xassan Sheekh, iyadoo ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa mashruuc ay ku baxayso Aduun dhan $78-Million, ayna ka maamuli doonto daaha gadaashiisa Drs.Najax Hassan Sheekh oo shirko la ah Agaasimaha cusub ee la magacaabay.

Wararka ayaa sheegay in Gabadha Madaxweynaha iyo Agaasimaha cusub, ay wada asaaseen 2-maalin kadib guushii Madaxweynaha, Shirkadda lagu magacaabo “WAVE HEALTH CONSULTANCY”, isla maalmahaas ayay WORLD BANK ka dalbadeen in la aqbalo dalabkooda, laakiin wali waxaa la sugayaa jawaab.

264650cookie-checkAgaasimayaal Xilalkoodii la isku Bedelay & Saameynta Madaxtooyada Villa Somalia…