Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa Oo Culeys ku Saaraya Ethiopia iney Qalabka Isgaarsiinta Diyaaradaha ugu Deeqdo..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Dadaalo culeys saar ah oo Todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadeen Horgalada Maamulka gooni goisadka Somaliland ayna kaga doonayeen in Ethiopia ay deeq ahaan iyo Shaqaale tababaro fidiya u siiso Qalabka lagu hago Diyaaradaha, kuwaasoo ay ku doonayaan iney kaga madax banaanadaan Somalia…

Horgaladaan oo fahamka shuruucda Caalamiga ah ee Duulimaayadyada ku gaaban yahay ayaan ogeyn xitaa iney dhisan tahay Hey’adda Duulimaadyada Rayidka ee Caalamiga ah (ICAO) taasoo la shaqaysaa oo keliya Dalalka la aqoonsan yahay iyo Hawadooda, Iyadoo laga yaabo in Tuuladaada ay sheegato iney maamusho hawada (taas oo ah been), aakhirka waxay hoos timaadaa xukunka Somalia iyo Maamulka Duulista Rayidka ah.

Talabadaani oo la macno ah in fasax kasta oo Diyaaraduhu ku soo galaan Hawada Somalia ay tahay iney bixiso Hay’adda Duulista Rayidka ah ee (SCAA), dhammaan cadaymahana waa in loo gudbiyo iyaga si ay u dhibaan oggolaasho, Shirkad kasta ama Dal kasta oo doorta inuu dhagaysto “Xakamaynta Taawarada Hawada ee tuulada been-abuurka ah” waxay si cad u jebinaysaa sharciga caalamiga ah iyo xeerarka ay dejisay ICAO.

Haddii Shirked Diyaaradeed ay tiraahdo ama Ethiopian Airline waxaan ka macaamileynaa Garoonka Tuulada, waxay ku xad gudubayaan Shuruucda iyo Sharciga Hey’adda ICAO, Waxay wajihi karaan ganaaxyo culus sida, Hakinta howlaha Duulimaadka, Joojinta Shatiyada Shaqada, iyo tallaabo sharciyeed oo adag.

308160cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa Oo Culeys ku Saaraya Ethiopia iney Qalabka Isgaarsiinta Diyaaradaha ugu Deeqdo..