Xog:- Dhulka Dab-Demiska Mugdiga iyo Tuhunka Iibsiga Dhulalka ee Hogaanka Maamulka Villa Somalia..

Somalia news

Waxaa in muddo ah Dood adag ay ka taagan tahay dhulka Xaruntii Ciidamada Dabdamiska ee Magaalada Muqdisho, Xaruntan muddo 30 sano ka badan waxaa degan dad shacab ah, iyadoo qoraal kasoo baxay 25-kii-Novembar-2023-kii lagu wargeliyay Dadka degan iney isaga guuraan Dhulkaasi muddana loo qabtay…

Qoraalka ayaa lagu xusay xilligaasi in baahi weyn loo qabo xarunta dab-damiska, Boliiska qataraha dababka soo noqnoqday ee magaalada Muqdisho mararka kala duwan ka dhacay kuwaasoo galaaftay Dad iyo Duunyaba, iyadoo ay jiraan balanqaadyo ay Dowladda Sacuudiga sameysay iney ka dhiseyso xarunta ugu weyn Deb-demiska Caasimada.

Mugdiga iyo Tuhunka ku xeeran Xiisadaan:-

Muwaadiniin badan ayaa aaminsan in Hogaanka Villa Somalia uu dhulal badan oo Dowladu laheyd ka iibsaday Ganacsato iyo Siyaasiyiin, waxaana ugu caansan Dhulalkii Taliska Ciidamada Asluubta ee Ex-Control Afgooye, wuxuu sidoo kale iibsaday Dhulal Dad Shacab ah Dan guud looga qaaday sida Dhulalka Dhismaha Suuqa Xamar weyne oo laba qeybood ah, Dhulalkii Ciidamada Daraawiishta ee Cagadhiig, Xaruntii Laanta Socotada & kuwo kale (Hal Booli ah Nigir xalaal ah ma dhasho).

Deb-Demiska & Xaqiiqda ku Xeeran:-

Maamuladii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa Hogaankii Dab-demiska Boliiska baa’biyay sanadihii 2011-kii iyo 2012-kii, waxeyna wareegtooyin ay xiligaasi soo saareen ku amreen in Shaqaalaha lagu wareejiyo Gobolka Benaadir taasoo hirgashay, Boliisku xiligaan ma leh Ciidan u diyaarsan iyo Gaadiid, waana meesha ay sartu ka qurintay Villa Somalia ha caddeyso Danta ay dhulal boobka iyo iibka xiligaan ku riixaaya.

Maxaa Laga Filan Karaa Xiisada Dhulkaan:-

Khubarada ku xeel dheer Arrimahaan ayaa aaminsan in 3-Qodob (arrimood) middood laga filin karo iney xiisadani ku dhamaato, -In xilliga loo dheereeyo Dadkaasi si ay u guuraan, -In Xoog loo adeegsado oo dhiig badan ku daayo Magaalada dib ugu celiso khadkii cagaarnaa (Maamulka Gurgurte uu talaabo qaado), -In Villa Somalia ka tanaasusho Qorshahaan sidii Farmaajo ee Dhulkii xaruntii Ciidamada Badda), iyadoo haatan muddo 2-todobaad ah dib loo dhigay si loo wada hadlo.

322210cookie-checkXog:- Dhulka Dab-Demiska Mugdiga iyo Tuhunka Iibsiga Dhulalka ee Hogaanka Maamulka Villa Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *