Maqaal:- Sidee looga Hortagaa Doorashada Hogaanka Galmudug u Foolaneysa Dhiig Daadin..

Somalia news

Degaanada Galmudug ayaa lagu wadaa in bilaha nagu soo fool leh la qabto doorasho, waxaana durbadiiba la dareemay diyaar-garow, abaabul xoogan iyo hub isku uruursi, iyadoo Abaabulkaan uu xoogiisu ka socdo gudaha Dalka iyo Dibadaba gaar ahaan Dalka Turkiga, halkaasoo Horgalo siyaasadeed oo cusub iyo kuwo hore ay wadaan qorshe isbedel doon dhiig badan daadin kara…

Waxaan dul istaageynaa Qodobo loo baahan yahay in maanka lagu hayo xusul duubka loogu jiro ka takhalusida Hogaamiyaha Xiligaan Axmed Qorqor iyo qorshihiisa is-difaaca ku dhisan ee dib u soo laabaahadiisa Hogaanka ama dib u soo nooleynta Isbaarooyinkii uu ku soo caan baxay ee degaanka Godin-labe iyo Tuulada Dayano.

Abaabulka Dagaal iyo Hub Uruursiga:-

Fariimaha ka imaanaya degaanada Galmudug ayaa muujinaaya dareen colaadeed, iyadoo Musharixiinta degaanada ay ka soo jeedaan ka wada abaabul maleeshiyo iyo hub uruursi, kuna doonayaan iney ku meel mariyaan damacooda, talabadaani ayaa horseedi karta cabsi laga qabo inuu dhiig badan ku daato gacan ka hadalka ka dhasha boobka doorashada, iyadoo Degaanada abaabulka laga dareemay ay kala yihiin Konfurta Gaalkacyo, Degmada Cadaado iyo Degaanka Guricel.

Ka Faa’iideysiga Ololahaan ee Kooxda Shababka:-

Kooxda Argagixisada Shababka ayaa fursad weyn u aragta khilaaf & gacan ka hadal ka dhex qarxa Beelaha Ceyr, Sacad iyo Salemaan, iyagoo khilaafkaasi uga faa’iideysan doona iney carqaladeeyaan qorshaha Dagaalka Wajigiisa 2-aad ee dhawaan bilaaban doono, waxayna dhaqaale ku bixin doonan in dagaalkaasi uu ugu yaraan 2-beel oo ka mid ah kuwa kor ku xusan dagaalamaan midna si cad ula saftaan,

Saameynta Villa Somalia:-

Villa Somalia ayaa dhabarka kasoo taabatay Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad iyo Liibaan Shuqul oo Dhaqaale badan ka macaashay Qaadka ugana wakiil yahay Madaxweynaha & Qoyskiisa qaadadka laga dhoofiyo Kenya iyo Ethiopia, isla markaasna aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa ay dabrineyso xagga siyaasada iyo waayo aragnimada, inkastoo Riyada Madaxweynaha la xaqiijiyay in doorashada labada Musharax ku noqon doonto deeq ka raadinta laba dhagax dhexdood lagana yaabo iney fursad siiyo Mr.Qorqor ama Musharax 4-aad oo aan u dhalan 3-da beel ee isu biro tumanaaya.

ku darsoo Maamulka Galmudug ayaa yaqiinsan in Safarka Dhuusa mareeb ee Xasan Sheekh uu bilow barako u noqon doono faragelinta Doorashada si u soo baxo Musharaxa ay wadato, iyadoo Mr.Qorqor si looga maarmo qabashada doorashada xiligaan uu ka dhaadhiciyay Saaxiibadiisa siyaasadeed ee xiligaan (Axmed Dhuxul iyo Laftagareen) in muddo kororsi loo wada sameeyo ilaa 2026-ka, taasoo Villa Somalia u aragto dhamaadka saameynta siyaasada ee kooxda Demu Jadiid.

Si kasta, waxaa marqaati ma doonto ah in Hogaanka xiligaan ee Villa Somalia ay quudareynayaan iney u hirgasho iney helaan Madaxweyne Galmudug yeelato oo ugu adeega Danaheeda si sanadka 2026-ka uu soo saarayo doorashada Xildhibaano taageersan waaba hadii loo laabto doorasho Dadban ama loogu soo xulo Ergo u soo saarta Liiska Xildhibaano xul ah oo Kooxdiisa hormuud u tahay.

322280cookie-checkMaqaal:- Sidee looga Hortagaa Doorashada Hogaanka Galmudug u Foolaneysa Dhiig Daadin..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *