Maxaa Keenay in Gaadiidka Xamuulka Lagu xayiro Koobtrolka Konfurta Gaalkacyo…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Tiro badan oo Gadiidka xamuulka (Raashinka Shidaalka & Dawooyinka qaada ay ku xayiran yihiin Kontralooka Konfurta Gaalkacyo, kadib markii Canshuurta (Baada) laga qaado Gaadiidka la kordhiyay isla markaasna ay xamili waayeen iney iska bixiyaan Baada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Isbaarada Konfurta Gaalkacyo lagu qaado la kordhiyay oo la gaarsiyay 609-US$ gaarigii, halka Laba Isbaaro oo u kala taal Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyihii ka falaagoobay Maamulka Hirshabelke (Cali Jeyte) ee Degaanka 115 ee duleedka Magaalada B/weyne ay ka qaadaan Gaadiidka 1000-US$.

Xayiraadaan ayaa la sheegay iney ka dhalatay Sicir barar qiimaha Quutul daruuriga & Shidaalka ee Magaalooyinka B/weyne, Mataban, Guricel, Dhuusa mareeb, Cadaado iyo degaano kale, iyadoo Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan dhibaatada taagan.

Qaar kamid ah Darawalada gaadiidka xamuulka qaada ee isaga kala goosha gobolada kor ku xusan ayaa ku xaniban kaantaroolka Konfurta Gaalkacyo laga soo galo, waxeyna sheegeen iney ka cabanayaan lacago canshuurta oo lagu kordhiyay.

269960cookie-checkMaxaa Keenay in Gaadiidka Xamuulka Lagu xayiro Koobtrolka Konfurta Gaalkacyo…