Xuuraanka cusub:-Maxaa Xiligaan Keenay In La Bedelo Hogaankii Taliska 21-aad ee Degaanada Galmudug…

Somalia news

Iyadoo Degaanada Galmudug isku diyaarinayaan sidii ay iskaga qaadi lahaayeen haraadiga heryada Kooxda Argagixisada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in shaki ka dhashay isbedel saacadihii ugu dambeeyay lagu sameeyay Hogaanka Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xooga Dalka…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya inuu dalbaday Hogamiyaha Galmudug (Qorqor) in Isbedel degdeg ah lagu sameeyo Taliska Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka kaasoo fariisinkiisu yahay magaalada Dhuusa mareeb, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Taliyaha (Xasan Maxamed Abuukar (X.Jaamici) iyo Qorqor kaasoo muddo gaaban hayay xilkaasi.

Wararka ayaa sheegay Mr.Qorqor ayaa soo jeediyay in Xilkaasi loo magacaabo Sarkaal hoose oo jufadiisa ah kaasoo lagu magacaabo Cabdi Salaad oo Taliye Urur ka ahaa Degaanada Shalaambood, Janaale iyo Buulo mareer, iyadoo lagu Eedeyay Madaxwyenaha Dowladda Federaalka inuu ka ciribtiro degaanadaasi Saraakiisha iyo Ciidamada Beesha H/Gidir ee Gobolka Shabeelada hoose loona raali geliyo Lafta gareen.

269990cookie-checkXuuraanka cusub:-Maxaa Xiligaan Keenay In La Bedelo Hogaankii Taliska 21-aad ee Degaanada Galmudug…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com