Waxaa aad u soo kordhaaya baahida loo qabo Gaaska Raashinka lagu kariyo guud ahaan Gobolada Dalka, iyadoo la sheegay sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha Haanta Gaaska, halka degaanada qaarkood la sheegay inuu laba jibaarmay…
Wararka ayaa sheegaya in halkii Haan uu Degaanada qaarkood ka gaaray 50-US$, Dadweynaha ayaa kacdoon ka dhan ah Sicir-bararkaan ka wada baraha bulshada, Dowladduna waxay ay sheegtey in ay la socoto, ilaa hadda lama yaqaano sababta horseeday qiimo kororkaan.
Khubarada Arrimaha Dhaqaalaha ayaa ku fasiray qiime-kacaan in la dhiiri gelinaayo geedihii la gubayey ha lagu noqdo, Waa talaabo khatar ah oo horseedi karta in shatiga lagala noqdaa haddeysan qiimaha ku celin meel macquul ah oo ka tarjumeysa qiimaha runta ah & faa’iidada maangalka ah.