Farmaajo Oo Looga Digay In Shacabka Hubka Qaataan

Somalia news

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay Mr.Farmaajo inuu shacabka ku hoggaamiyo inay hub u qaataan dowladda Soomaaliya….

Mr.Xasan Sheekh ayaa u sheegay Farmaajo inuusan taariikh xun ka tagin, oo dhibaato dalka ka dhacda taariikhda loogu qorin in isaga uu hoggaamiyey, oo Beri la yiraahdo “wixii maalintaas dhacay isagaa horseeday.”

“Madaxda dalka waxaa leeyahay ha suginina maalinta shacabku idinka hor imanayo, 30 sano kuwo dalkan soo xukumayey ayaa barqo cad jidka lagu diray, waxaana u soo jeedinaynaa dowladan ragaas xabadaa lagu ridaye yeysan isku kalifin in ayaga xabad lagu rido talo aan anagu leenahay lagula ridi maayee,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ma rabno inay colaad dhacdo, ma rabno in is-jiijiid uu dhaco, waxaan rabnaa in horey loo socdo, waqti badan ayaa naga lumay oo 30 sano ah, umadaha kale intaas oo waqti ah kama lumo.”

Wixii dan darro ah lagaaga aamusi mayo, wixii gef ah lagaaga aamusi mayo, wixii qaanuun ah ee aan ku heshiinay lagugu dayn mayo, lagaagana aamusi mayo.”

Doorasho ma dhacaysaa in xilligaan laga murmo waa nasiib daradda ay badeen shacabka Soomaaliyeed Villa Somalia masuuliyiinteeda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

40720cookie-checkFarmaajo Oo Looga Digay In Shacabka Hubka Qaataan