Ma Dhabaa In La Dejiyay Qorshe Dilal & Xariga Loogu Geysanaayo Mucaaradka

Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Todobaadkii tagay ay Maamulka Asmara ay Magaalada Mogadishu u soo direen Koox Saraakiil ah oo isugu jira kuwa wax caburiya iyo Sirdoonka Eritrea kuwaasoo loogu tala galay iney wax ka dejiyaan startejiyada dib u Doorashada Farmaajo iyo hadii uu dagaal dhaco ka qeyb qaata..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiishaan ay hordhac u yihiin Dhalinyaradii lagu tababaray 3-xero oo ku taal dalkaasi, kuwaasoo lagu qiyaasay 3-5 Kun, waxaana la qorsheeyay in 25-duulimaad lagu soo daabuli doono Dhalinyaradaan, kuwaasoo 200 ee ugu horeysay laga soo dejiyay Magaalada Mogadishu, waxaana la dejiyay Xerada Ciidamada Gordon ee Degmada Dayniile.

Kooxdaan Eritrean-ka ayaa kulamo la yeeshay Farmaajo iyo Fahad, waxeyna isla dejiyeen qorshe dagaal hadiiba Xulashada dadban ee boobka ku socota ay hirgasho in weeraro lagu qaado xarumaha Mucaaradka isla markaasna xabsiga la dhigo halka xubnaha qaarkood la qorsheeyay in dilo, Qorshahaan ayaa sidoo kale hirgelintiisa iyo maalgelintiisa gacan ka geysan doona Dowladaha Turkiga iyo Qatar.

156280cookie-checkMa Dhabaa In La Dejiyay Qorshe Dilal & Xariga Loogu Geysanaayo Mucaaradka