Maxaa Laga Filan Karaa Shirka Garoowe Lagu Baaqay

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo ayaa ku baaqay in Shir la isugu yimaado 15-February 2021, ayna ka soo qeyb galaan Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Benadir si looga tashto Khilaafka Doorashada oo muddo soo jiitamaayay…

Sida laga wada dheregsan yahay in lagu heshiiyo Shirkii Dhuusa mareeb Waxaa ganafka ku dhuftay Mr.Farmaajo, iyadoo 2-maalmood ka harsan tahay muddo xileedkiisa, wuxuuna ka soo tagay Magaalada Dhuusa mareeb iyadoo ay aheyd rajadii ugu dambeysa Ee in heshiis lagu gaaro Khilaafka Doorashada.

Su’aasha taagan ayaa ah Mr.Farmaajo oo ka soo tagay iyadoo shirku socdo isagoo Madaxweyne ah, ma ku heli doonaa shirka Garoowe uu ku baaqay isagoo aan aheyn Madaxweyne oo wakhtigiisii Dastuuriga ahaa ka dhamaaday., waxaase soo shaac baxaaya su’aalo ku gedaaman oo u baahan in marka Hore la xaliyo inta aan shirka la qaban:-

-Ma jiro Wada tashiyo laga sameeyay shirka uu ku baaqay, waxey talaabadaani horseedi kartaa inuu shirkaasi uusan hirgelin.

-In aan Madaxda Gobolada lagala tashan Shirka

-In Go’aanada Golaha Amaanka laga leexiyo Ujeedadii ay u qabteen Kulanka Arrimaha Somalia

-Inuu Taageerayaashiisa u muujiyo inuu weli Madaxweyne yahay isla markaasna Maamuus Madaxweyne Ee soo dhoweyn loogu sameeyo Garoowe

-In Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada uu ka dhameeyo muddo kordhin 1-2 sano ah Maamulkiisa, isla markaasna Golaha Shacbiga ka dhameeyo.

Mr.Farmaajo ma lahan awood uu isugu yeero maadama ay meesha ka baxday maamuuskii iyo awoodii uu Dastuurka siinayay, waxa kaliyah Ee xiligaan Dalka ka qabsoomi kara waa shirweyne ay Beesha Caalamka soo qabanqaabiso oo Saamileyda Siyaasada oo dhan ay ka soo wada qeyb galaan.

93720cookie-checkMaxaa Laga Filan Karaa Shirka Garoowe Lagu Baaqay