Maxaa ka Run ah In Isbedel lagu Sameynaayo Danjirayaasha Somalia ee Dalalka Khaliijka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe laga dejiyay Madaxtooyada Villa Somalia, taasoo salka ku heysa sidii is bedel balaaran loogu sameyn lahaa Danjirayaasha u fadhiya Dalalka Khaliijka, si miisaan loogu sameeyay sameyntiisa Bariga dhexe…

Xogtaan ayaa sheegtay in Danjirayaasha Somalia u fadhiya Dalalka Khaliijka oo la magacaabay xilligii Farmaajo isbedel loogu sameyn lahaa, iyadoo go’aanka magacaabista Danjirayaasha cusub la filayaa iney soo baxaan Bishaan iyo Labada bilood ee ku xigta, iyadoo la sugaayo magacaabista Danjirayaasha UEA iyo Qatar Somalia Wakiilka uga noqon doona.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Mr.Rooble ayaa loo saadaalinayaa inuu loo safiirka Somalia ee Abu Dhabi. Hase yeeshee wuxuu wajahayaa loolan uga imanaya Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo doonaya in la magacaabo Walaalkiis, isaga oo adeegsanaya xiriirka dhow ee uu la leeyahay Imaaraadka Carabta.

Safiirada Cusub:-

  1. Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji, Ankara, Turkiga.
  2. Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, Addis Ababa, Itoobiya.
  3. Danjire Cumar Maxamuud Dufle, Nairobi, Kenya.
  4. Danjire Xasan Maxamed Gacal, Washington, Maraykanka iyo Kanada.
  5. Danjire Cabdirisaaq Cusmaan Juriile, Roma, Talyaaniga.
  6. Danjire Cabdi Daahir, Paris, Fransiiska.
  7. Maxamuud Cali Xaashi, EU-da iyo Benelux.
  8. Danjire Sonkor Gayre, Ergada Geneve, Switzerland.
  9. Danjire Cabdiraxmaan Caynte, Ergada UN-ka, New York.
  10. Danjire Maxamed Xuseen Rooble, Abu Dhabi, Imaaraadka.
  11. Danjire Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, Islamabad, Pakistan.
  12. Danjire Xasan Maxamuud, Khartuum, Suudaan.
  13. Danjire, Dooxa, Qatar.
  14. Danjire, Kuwait, Kuwait
  15. Danjire, Jabuuti, Jabuuti.
  16. Danjire, Bayjin, Shiinaha.
  17. Danjire, Kampala, Uganda.
  18. Danjire, Lusaka, Zambia.
  19. Danjire, Juba, Konfuurta Suudaan.
  20. Danjire, Moscow, Russia.

Waxaa suurtogal ah in magacyada la kala beddelo amaba laga saaro.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in la xiro safaaraddaha Somalia ku leedahay:

  1. Nigeria.
  2. Kanada.
  3. Algeria.
  4. Sweden.
  5. Liibiya.
  6. Serbia.
  7. Senegal.
240600cookie-checkMaxaa ka Run ah In Isbedel lagu Sameynaayo Danjirayaasha Somalia ee Dalalka Khaliijka