Dhoobley Oo Lagu Toogtay Dembiile Kufsi Geystay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil toogasho ah oo ay ku fuliyeen Xoogaga Amaanka Dowlad goboleedka Jubbaland Dembiile lagu soo eedeeyay inuu Kufsi u geystay Gabar 3-sano jir ah, iyadoo dhaawacyadii soo gaarayna u geeriyootay….

Wararka ayaa sheegay in Dambiile Xusee Aadan Cali uu kufsi u geystay Gabar yar oo uu adeer u yahay laguna magacaabi jiray Gacalo Ismaaciil Cabdulaahi oo da’deeda lagu sheegay 3-sano jir, una geystay dhaawacyo culus taasoo horseeday iney u geeriyooto falalka fara-xumeynta.

Dalka Somalia ayaa safka hore ka galay Dembiyada la xiriira Kufsiga Ee dhanka ka ah Haweenka iyo Gabdhaha Dowladda Federaalka Waxaa lagu dhaleeceeyay iney ka gaabisay wax ka qabashada falalkaan oo aad u kordhay sanadihii ugu dambeeyay.

Sida ku xusan Warbixino ay diyaariyeen Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Somalia, Waxaa ka dhacay 400-kiis oo Tacadiyada Jinsiga oo kufsi ah, iyadoo 9-kiis oo ka mid ahi ay ka dhaceen Degaanada Dowlad goboleedka Jubbaland sanadkii tagay.

129420cookie-checkDhoobley Oo Lagu Toogtay Dembiile Kufsi Geystay