Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka oo Ka Fal-celiyay Cabashadii Safaarada USA ee Mogadishu..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Qoraalkii cabashada aheyd Safaarada USA ee Somalia ee la xiriirtay Hab-dhaqanka hooseeya ee ilaalada Wasiirka 1-aad iyo kuwa Madaxweynaha Konfur galbeed ayaa amray in shaqada laga joojiyo, isla markaana loo diro Baaritaan uu kusoo maro Hogaanka Baarista Dembiyada ee (CID), Agaasimihii Habmaamuuska Xafiiskiisa…

Xogtaan ayaa tilmaamaysa in talaabadaan ayaa jawaab u ah, dacwo iyo cabasho dhawaan kasoo yeertay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho, Mr.Xamse ayaa Agaasimaha shaqada kaga joojiyay ee Cabdullaahi Shariif Cabdi, oo kasoo jeeday gobalka Gedo, wuxuuna ka ahaa xubnaha ka shaqeynayay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee bilowgii la magacaabay, waxaana baaritaan ku-furidaan ay kusoo aadaysaa xili uu jiray khilaaf kala dhaxeeya qaar kamid ah xubnaha ehelka Ra’iisulwasaaraha ee ay Xafiiska ka wada shaqeynayeen.

Mr.Xamse ayaa qaatay go’aanka ah in kiiska lagu kali yeelo Madaxiisa Hab-maamuuska, iyadoo is heysiga kooxeysan ee gudaha Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu aad usoo kordhiyey mudooyinkii u dambeeyey, iyadoo Ilaalada Madaxweynaha Konfur galbeed la sheegay in aan laga qaadin wax talaabo oo la xiriirta falkii ka dhacay dhismaha Safaarada USA.

259720cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka oo Ka Fal-celiyay Cabashadii Safaarada USA ee Mogadishu..