Iska Horimaad Ka Dhacay Beer ku taal Duleedka Waqooyiga Gaalkacyo

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Iska horimaad hubaysan ayaa fiidnimadii caawa magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidanka Boliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Ciidamo ilaalo ka hayay guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali.

Wararku waxay sheegayaan in israsaasayn dhexmartay labada dhinac uu dhaawac culus ka soo gaaray Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad) & Yaasin Cabdisamad oo beertiisa martiqaadka lagu sameeyay Dhaawacna soo gaaray.

Labada dhinac ee iska hor-maadku dhexmaray oo aan isku daynay in aan xiriiro la samayno nooma suurta-gelin waxaana weli raadinaynaa in aan xog dheeriya ka helno dhacdadaas, inkastoo Wararka qaarkood ay sheegayaan in shirqool laga maleegay Villa Somalia beertaasi lagu diyaarinaayay.

184260cookie-checkIska Horimaad Ka Dhacay Beer ku taal Duleedka Waqooyiga Gaalkacyo