Balanqaad Dhaqaale Oo Loo Sameeyay Markab ku Ciladoobay Xeebaha Nawaaxiga Somalia

World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab Sida Xamuul Shidaal oo ku ciladoobay Xeebaha Dalka Yemen, iyadoo Qaramada Midoobay ay heleen balanqaadyo dhaqaale oo buuxa oo lagu samata bixinaayo Markabka oo ay saaran yihiin in ka badan 1-million oo fuusto oo Saliid (Shidaal) ah…

Wararka ayaa sheegay in Markabka FSO Safer oo dhaqaale kor u dhaafaya 75-millions US$ loo qaaraamay, si looga wareejiyo Rarka Shidaalka saaran Markabka, ayaa laga digay inuu waxyeelo gaarsiin doono Badda iyo degaanada ku xeeran hadii aan si dhaqso ah loo dedejin Howlaha dhaqaale uruurinta kharashaadka ku baxaaya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Mr.Russel Geekie ayaa ka deyriyay xaalada Markabka uu xiligaan ku sugan yahay, isagoo carabka ku adkeeyay in dib u dhac kasta oo ku yimaada howlaha samata bixinta Markabka ay ka dhalan karaan masiibo degaan, wuxuu ku baaqay in la dedejiyo dhaqaalaha la balanqaaday.

214370cookie-checkBalanqaad Dhaqaale Oo Loo Sameeyay Markab ku Ciladoobay Xeebaha Nawaaxiga Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com