Mr.Rooble Golaha Wadatashiga Qaran Hordhigaaya Qodobo Xasaasi Ah

Somalia news

Warbixin hordhaca ah ayaa muujineysa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayaa inuu berito oo Isniinta ka furmo magaalada Muqdisho kadib markii ay soo wada gaareen dhammaan Madaxweynayaasha Maamulada Dowlad Goboleedyada…

Kulankaan ayaa diirada lagu saari doonaa dhowr Qodob oo muhiim u ah xiliga kala guurka, waxaana ka mid ah Amni guud ee Dalka, Degaan Doorashada iyo in la cambaareyn laga soo saaro isku daygii afgambi ee Farmaajo kula kacay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka.

Mr.Rooble ayaa ka dadban doona Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran in shirka laga soo saaro baaq ah in Amniga dalka si buuxda Ra’iisal Wasaaraha loogu wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanu dalka doorasho hufan ka dhici karin, Waxaana la sheegay in Qorqor iyo Lafta gareen ay aad uga soo horjeedaan qorshahaan, iyagoo u arka in Farmaajo dhaawac ku tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada in ay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo, inkasta ay u badan tahay in Farmaajo uusan marnaba taas aqbali doonin.

159780cookie-checkMr.Rooble Golaha Wadatashiga Qaran Hordhigaaya Qodobo Xasaasi Ah