Maxaa Xiligaan Ku Qasbay Muuse Inuu Qaabilo Odayaasha Dhaqanka ee Waan wanta ka Dhex waday Dagaalka Laas caanood..

Somalia news

Dagaalka Duleedka Degmada Laas caanood oo socda 6-Bilood & 20-maalmood khasaare balaaran oo dhimasho, Dhaawacyo iyo Barakicin u geystay ku dhawaad 200-Kun oo Qof, isla markaasna ay Ergo Odayaal Dhaqmeed Magaalada Mogadishu ka tagay ay dhinacyadaan ka dhex wadeen Nabadeyn, ayaa culeys saar badan kadib Muuse Biixi uu Qaabilay…

Wararka ayaa sheegay in Ergada Odayaashaan mudo u joogay Magaalada Hargaysa iney la kulmaan, Horgalaha Siyaasada Degaanada Waaooyiga (Muuse Biixu) balse uu ku adkeeyay la kulankaasi ayaa la kulmay, iyadoo ujeedka la kulanka Odayaashan uu xambarsanaa in la muujiyo waan-waan u wado Hogaanka Xasan Gurgurte oo ku fashilmay inuu joojiyo dhiiga daadanaaya.

Waxaa la xaqiijiyay in Qorshahaan ay wada dejiyeen Xasan Sheekh & Ismaaciil Cumar (Djibouti) si looga jawaabayo hadalkii xanafta laha Garaad Jaamac laguna khaldayo Beesha Caalamka iyo Shacbiga Soomaaliyeed, bacdamaa Hogaanka Villa Somalia uu sheegto inuu Maamulo guud ahaan Dalka.

Hogaanka Dowladda ayaa Qorshahaan u aragta furaad iney wado dadaalo lagu dhameynaayo dagaalka si gaar ah Shirka QM ee Madaxda Caalamku ka wada qayb galaysa Bisha Septembar ee Sanadkan, ayuu doonayaa inuu la shir tago (Gurguurte) oo yiraahdo, waxaa meel wanaagsan noo maraya waan-waan Nabadeed oo aan ka dhex wadno Labada dhinac.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in 2-jeer, ay Wakiilada QM ee Somalia ay Casumaad u fidiyeen Ergada Odayaasha si ay uga warbixiyaan, ayaan darrose waa fashilmeen inuu kulankaasi qabsoomay, balse ma dhicin kadib markii Villa Somalia ay soo fara gelisay.

Sida ay qorsheeyeen Xasan, Geelle iyo Muuse Biixi, Ergadaan ayaa sii joogi doonta magaalada Hargaysa ilaa Bisha 9-aad si loosii lug jiido waxa lagu sheegay Waan-waanta Dowlada Fadaraalku ka dhex wado SSC iyo SNM.

266230cookie-checkMaxaa Xiligaan Ku Qasbay Muuse Inuu Qaabilo Odayaasha Dhaqanka ee Waan wanta ka Dhex waday Dagaalka Laas caanood..