Mugdiga Ku Xeeran Sida ay Villa Somalia u Wajaheyso Gardarada & Dhul/Xeeb Boobka Ethiopia..

Africa News Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa muyjinaaya iney soo shaac baxayaan mugdi ku xeeran sida ay Villa Somalia u wajaheyso gardarada iyi Dhul/xeeb boobka Ethiopia, iyadoo uu Abiy-ga Addis abeba uu muujiyay inuusan jirin wax uy xeerinaayo halka Xasan Sheekh ay is khilaafayaan Ficiladiisa iyo Hadaladiisa…

Heshiis beenaad dhaliyay buuqa kadib ayuu Abiy sheegay inuu dadaal gelinaayo iney wada hadlaan labada Dal, isagoo asn marka hore Raali gelin ka bixin gardarada iyo Gafka uu ku hayo Qaranka Somalia, wuxuuna Ciidamo ku soo daabulay Dhulka uu sheegay in la siiyay, talabaadaan oo sii adkeyneysa in la wada hadlo.

Madaxweynaha Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu jawaabo dabacsan ka keenay ficilada Taliska Addis abeba ee dhanka ka ah Midnimada iyo madaxbanaanida Somalia, ku darsoo Xasan Sheekh talo wadaag ma gelin Khilaafka kala dhaxeeya Ethiopia, marka la eego hab-dhaqanka Jilicsan ee soo boodada ah ee ay Villa Somalia ku wajahaheyso Dagaalkaan ayaa waxaa sii nuxuusinaaya iyadoo uusan jirin Wasiir Arrimo Dibadeed muddi dhowr bilood & Gabadhiisana ka dhigtay La-taliye arrimaha Siyaasada.

Villa Somalia Daacad kama ahan dagaalkaan inkastoo lagu xanto in Go’aan gaarista Xiisaadaan laga sugaayo UAE iyo UK, ilaa hadda waxaa la la yaaban yahay waxa ay Villa Somalia uga meermeersaneyso iney Erido Danjiraha Ethiopia iyo in Qaadka Ethiopia iyo Diyaarada Ethiopian airlines laga mamnuuco Garoomada iyo Hawada Somalia iyo Abaabul guud oo Dalka iyo Dibedaba Shacbiga Soomaaliyeed la kaciyo loona diyaar garoobo dagaal af iyo adin ah.

309290cookie-checkMugdiga Ku Xeeran Sida ay Villa Somalia u Wajaheyso Gardarada & Dhul/Xeeb Boobka Ethiopia..