Ma Dhabaa in Ethiopia ay Hor istaagtay Ilaalada Madaweynaha iney U Racaan Xarunta AD-da…

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ayaa ku eedeysay Maamulka Addis abeba “isku day daandaansi ah” oo ay ku doonayso inay ku “hor istaagto” wafdiga Madaxweyne Hassan Sheekh ka qayb galka Shir Madaxeedka Midowga Afrika, kadib markii Ilaalada Madaxweynaha loo diiday iney Raacaan Madaweynaha..

Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ayeey ku sheegay in “Tallaabadan waxa ay jebisay dhamaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu daabacay warbaahinta Dowladda, iyadoo Madaxweynaha uu amray in Diyaaradiisa loo diyaariyo si uu dib ugu noqdo Dalkiisa.

Xiisadaan ayaa waxaa soo dhex galay Madaxweynaha Djibouti uu Gaadiidkiisa iyo Ilaaladiisa u diray si ay u soo galbiyaan Wafdiga Madaweynaha oo loo keeno Xarunta AU-da, inkastoo uusan Qoraalka uusan qeexeynin Dhibka dhacay, hadana Hogaanka AU-da iyo Maamulka Addis abeba waa ka gaabsadeen iney ka hadlaan carqaladeynta uu la kulmay Wafdiga Madaxweynaha.

309180cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia ay Hor istaagtay Ilaalada Madaweynaha iney U Racaan Xarunta AD-da…