Hey’adaha WHO & UNCEIF Oo Digniino ka soo Saaray Cudurka Daacuunka..

Africa News Health

Warbixin ay soo diyaarisay QM ayaa lagu sheegay in Hal bilyan oo qof oo ku nool 43 dal ayaa halis ugu jira Cudurka Daacuunka oo ah “Cidur dilaa ah oo Dadka iyo Caruurtooda dhaqaalahoodu hooseeyo Caafimaaf darro ku dila” inkastoo ka hortagga iyo daawaynta ay tahay mid Badbaadin karta…

Hey’adda Caafimaadka Aduunka (WHO), oo warbixin ay ka soo saartay Cuddurkaan ku tilmaantay aragtidaas mid mugdi ah, iyadoo sheegtay inaysan haysan dhaqaale ay kula dagaallamaan cudurrada daacuunka, isla markaana muddada ay ku qaadatay inay billaabaan dagaalka ay xaaladdu ka sii dari doonto.

Wadamada sida ba’an u saameeyay sanadkaan waa Malawi iyo Mozambique. Sagaal waddan oo kale ayaa loo arkaa inay ku jiraan “xasarado ba’an”, sida Burundi, Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ethiopia, Kenya, Somalia, Syria, Zambia iyo Zimbabwe.

Hey’adaha QM er WHO iyo UNCIEF in muddo ah waxey baadi goob ugu jiraan sidii sy u heli lahaayern Dhaqaale dhan $640-Millions so dagaalka loogu jiro xakameynta faafitaanka Cudurka Cholera, iyagoo ugu baaqay Dalalka Horey u maray iney bixiyaan dhaqaalahaan si looga baaqsado masiibada Cudurka Daaciunka.

256690cookie-checkHey’adaha WHO & UNCEIF Oo Digniino ka soo Saaray Cudurka Daacuunka..