Xildhibaanada Puntland Oo Ansixiyay Iibinta Dhul Dowlada Hoose Ee Garoowe Laheyd..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Fadhigii Golaha Wakiilada Puntland ee shalay looga doodey laba qodob uu Maamulka Puntland u gudbiyey Golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Ansixinta ax ka beddelka xeerka doorashooyinka gloyaasha deegaanka iyo xeerka gobolada, Iibinta dhulka Dowladda Hoose ee Garoowe…

Iyadoo ansixinta Iibinta dhulka dowladda hoose ee Garoowe ayaa xildhbaanadu ku diideen cod aqlabiyad leh  kalfadhigii 50aad ee sanadkii 2022 kadib markii Madaxweyne Deni uu sidaas ka codsadey qoraalna ugu gudbiyey, Dhulkaan ayaa ku fadhiya 90X30, Dastuurka Puntland qodobkiisa 52aad ayaa qaba in dhulka qiimihiisu ka badan yahay $50 kun oo Maraykanka ah aan la iibin karin iyada oo aan oggolaansho laga haysan Golaha Wakiilada.

Maamulka Dani oo wakhtigiisu dhamaad yahay ayaa lagu eedeeyay inuu dhul boob ku jiro, waxeyna ku andacoonayaan in loo iibinayaa dhulkaasi si loogu dhiso dhismaha cusub ee Dawladda Hoose Degmadda Garoowe, balse Xubin Mucaaradka degaanka kamid ah ayaa ganafka ku dhuftay go’aanka Xildhibaanada isagoo Maamulka ku eedeeyay Boob.

271340cookie-checkXildhibaanada Puntland Oo Ansixiyay Iibinta Dhul Dowlada Hoose Ee Garoowe Laheyd..