Maxey Dowlada Turkiga u Adkeysay Transit-kii Dadka Socotada uga Gubdi jireen Dalal Kale..

Travel World

Waxaa soo shaac baxaaya Amaro adag oo ay Dowlada Turkiga ku soo rogeen Dadka Socotada ah ee Transit-ka ku maraaya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Istanbul  kuwaasoo ku sii wajahan Dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela, kadib markii culeysyo ay soo saareen Maamulka Washington..

Sida laga soo xigtay Website-ka ViseGuide, Laga bilaabo Abriil 15, 2024, Dadka socotada ah ee sii maraya Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul kuna sii jeeda Mexico, Panama, Colombia iyo Venezuela ee ka yimid India, Afghanistan, Nepal, Burkina Faso, Guinea, Chad, Somalia, Cameroon, Mauritania, iyo Yemen waa inay helaan fiisaha transit-ka ee elektiroonigga ah.

Amarkaan cusub ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Turkiga ay xoojisay dadaalkeeda ku aaddan habaynta socdaalka aan joogtada ahayn ee Dadka oo Dalal ku sii mara iyo meesha loo socdo ee hababka socdaalka caalamiga ah, talabadaan ayaa ka dhigeysa mid si firfircoon u adkeyneysa la dagaalanka socdaalka aan joogtada ahayn, warbixinta VisaGuide.World.

Xogo ayaa sheegaya in Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines ay dhowr jeer ay soo saareen digniino la xiriira Dadka u socda Dalalka Konfurta America, kuwaasoo lagu rogay in fatashaad adag kadib markii Dalalkaasi qaarkood ay cabasho ka keeneen, iyo Dowlada USA, waxaana ka mid ah Dalalka Fatashaada adag lagu soo togay Brazil, Cuba, Colombia, Mexico, and Venezuela.

321280cookie-checkMaxey Dowlada Turkiga u Adkeysay Transit-kii Dadka Socotada uga Gubdi jireen Dalal Kale..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *