Basaboorka Somalia oo mar kale ka soo muuqday Kaalimaha hoose ee Qiimeynta

Somalia news World

Dunidaan aynu ku nool nahay waxaa xiliyadaan la qiimeeyaa Baasaboorada iyo Dalalka lagu tegi karo, iyadoo Baasaboorka Dalkeena uu kaalinta 94-aad ka galay qiimeyn cusub oo caalami ah, waxaana ugu wacan, xulashada Hogaanka liita ee Hey’adda Socdaalka iyo bixinta fudud ee Baasaborka lagu bixiyo…

Sida ku cad liis Qiimeyn oo ay soo saartay Shirkadda Arton Capital ee ka howl gasha magaalada Montreal Canada ayaa shaacisay in Baasaborka Dalka Pakistan lagu tagi karo Dal ku gal la’aan 44-Dal, Dalalka Iraq, Syria iyo Afghanistan ayaa ka soo muuqday Kaalimaha 95-96-97aad sidey u kala horeeyaan.

Si kastaba, Baasaboorka UAE ayaa lagu sheegaa inuu yahay kan ugu awooda badan, iyadoo Muwaadiniinta Dalkaasi ay Vise la’aan ku tegi karaan 180-Dal, Muwaadiniinta Dalalka Holland, Germany, Switzerland iyo dalal kale aysan u baahneyn iney Vise u qaataan 173-waddan.

Xayiraadaha dhinaca safarada Baasaboorka Soomaalida waxaa ugu wacan Maamul xumi Hey’adda heysata iyo Hogaanka Dalka uu xusha Shaqsiyaad aan aqoon durugsan u laheyn iney hagaan Hogaanka Hey’adda ku darsoo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa dhib badan u mara sidii ay ku heli lahaayeen Baasaborka Halka kooxaha Argagixisada loo fududeeyo iney muddo gaaban lagu siiyo Baasaborka.

232150cookie-checkBasaboorka Somalia oo mar kale ka soo muuqday Kaalimaha hoose ee Qiimeynta