Qorqor Yaa Khaldamay Oo U Dhiibay Raali-gelinta Oo Wakiishay

Somalia news

Waxaa Dad badan la yaabeen in Qorqor iyo koox Xildhibaano Danley ah ay si fudeyd ka muuqato u qabanqaabiyeen Safar ay ku gaaraan magaalada Baydhabo, kadib markii uu Lafta gareen Eedeymo shaati Qabiil loo geliyay u jeediyay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka salkana ku heysa Boobka Doorashada Dadban..

Dad badan ayaa is-weydiinayaan mudnaanta gaarka ah ee Mr.Qorqor ku muteystay inuu dhexdhexaadiyo labada Mas’uul, mudnaantaasoo aysan laheyn Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle ama Mas’uulinta kale iyo Beesha Caalamka.

Mr.Qorqor oo xiligaan lagu tilmaamo inuu yahay Shaqsi shaatiyo badan oo hadba midab gashta, wuxuuna adeege u yahay kooxda xidigooda dhacay ee Farmaajo & Fahad, isagoo ku qaraabta inuu yahay:-

-Taageere Nabar & Naxdin

-Inuu yahay Wakiil Galmudug

-Iney ku weyn tahay Habar gidirnimada siiba qumis, Laakin Rooble uu ka jecel yahay Farmaajo.

-Iney ku yar tahay Hiraabnimada

-Inuu yahay Dulaal Borsadiisa furan tahay

Khabiir ku xeel dheer Arrimaha Siyaasada ayaa yiri Mr.Qorqor “Shaatigii uu doono ha qaatee muhiimada waa inuu xal ka keeno Saaxiibkiis Lafta gareen, wuxuuna uga digay inuu faraha kala baxo dagaal siyaasadeed uu ku hayo Beesha Mudulood, waxaana caddeyn ugu filan Ergadiisa uusan hal Qof oo wakiil ah ku soo darin.

Ergada uu soo xushay ayaa la sheegay iney ka kooban yihiin Habar gidir, Murusade Xawaadle & Mareexaan, Qorqor ayaa lagu xantaa inuu Naceybka Xasan Sheekh u qabo uu ku faafiyay Beelaha Mudulood taasoo dhibaato ku ah waxqabadkiisa.

181030cookie-checkQorqor Yaa Khaldamay Oo U Dhiibay Raali-gelinta Oo Wakiishay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com