Maxey tahay Caqabadaha Hortaagan Dhismaha Ciidamada Dowladda

Somalia news

15-kii sano ee lasoo dhaafay, in ka badan 45.000 oo askari ayaa loo tababarey Dalka Somalia, Ciidamadaan oo isugu jira Booliska, Militeriga, Asluubta iyo Nabadsugida [NISA], waxeyna u xil saaran yihiin difaaca Amniga gudaha iyo dibeda ee Dalka…

Ayaan darrase wali lama hayo Ciidan Qaran oo awood u leh inay mas’uuliyadda amniga Dalka la wareegaan, iyagoo ka adkaan la’ kooxda Argagixisada Shabaabka oo haysata 7,000-9,000 oo dhalinyaro ah oo tababar wanaagsan qabin, Miisaaniyadda dowladda wax aad u yar oo lagu qiyaasay 5% ayaa ku baxda Ciidanka, oo askari kasta Mushaar ku filan helin, maadaama uu qaato in ka yar $200 halka askariga AMISOM la siiyo $1,228 bishii.

Maxay tahay Caqabadda Ciidanka u dhismi la’yahay?

Dhowr sabab ayaa jirta, balse waxaa ugu weyn qaraabo-kiilka iyo nin-jeclaysiga oo baab’iyay haykalka Ciidanka iyo dib u dhiskiisa, iyadoo lagu dalacsiiyo Saraakiisha qaab qabiil iyo si eex ku jirto.

Lama qiyaasi karo inta Saraal uu Farmaajo dalacsiiyay iyo inta xilal sare u magacaabey shantii sano ee lasoo dhaafay, waxayna taasi niyad jebisay Ciidamada kale, ee ku jirta jiida hore ee dagaalka, isagoo ku howlan in 12-ka April uu dalacsiin doono daraasiin Sarkiil & Askar ah.

181180cookie-checkMaxey tahay Caqabadaha Hortaagan Dhismaha Ciidamada Dowladda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com