Wasaarada Amniga Oo Qoraal dhan ka ah soo Saartay Madeira

Somalia news

Wasaaradda Amniga ayaa fartay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya inay kala laabato warqada dal ku joogga Wakiilkii Midowga Afrika Francisco Madiera, sidoo kale aan la siin karin warqada dalku galka..

Sidoo kale waxaa Agaasimaha Hey’adda Socdaalka la faray inuu ku wargeliyo in dhammaan cida ay quseyso in Madiera aan dalka la keeni karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin, Madeira oo ku go’doonsan Magaalada Nairobi ayaan la ogeyn sida uu uga shaqeyn karo Dal laga siiyay (Persona non grata).

Waxaa kaloo si kumeel gaar ah loo xiray dhammaan howlaha Terminalka MOVCOM illaa amar dambe.

181130cookie-checkWasaarada Amniga Oo Qoraal dhan ka ah soo Saartay Madeira