Rooble Oo Dib Ugu Soo Laabtay Mogadishu

Somalia news

Waxaa Dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble iyo wafdigii uu hogaaminaayay kuwaasoo muddo 3-maalmood ah ku sugnaa Magaalada Dooxa isla markaasna la yeeshay Wada hadalo Madaxda dalkaasi Ee xoojinta xiriirka..

Mr.Rooble ayaa safarkiisa ku soo beegmay xilli Doorasho uu Dalku ku jiro Khilaaf xoogana u kala dhaxeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday kuna aadan kiiska Sarkaaladii NISA Oo aan xal laga gaarin, iyadoo uu kulamo la yeeshay Amiirka Dalkaasi iyo Ra’iisalwasaaraha.

Wararka ayaa sheegay in aan horumar Laga gaarin Wada hadalada la la yeeshay Madaxda Dalkaasi, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia uu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo natiijada booqashada, inkastoo uu si Guud u sheegay iney balanqaadeen iney ku taageerayaan dhaqaale Dhanka Doorashada iyo Amaanka.

Maamulka Dooxa ayaa u quudareyneysay iney saameyn weyn ku yeelato Doorashada Somalia si ay u hanato Madaxweyne taabacsan siyaasadaheeda wallow 4-tii sano Ee ugu dambeysa yay taageertay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyadoo xambaaratay eedo weyn.

144040cookie-checkRooble Oo Dib Ugu Soo Laabtay Mogadishu