Wada Hadaladii Teendhada Afisioni Oo Burburay

Somalia news

Shir Madaxeedkii maalmahaan ka socday Teendhada Afisioni ayaa burburay kadib markii Uu Farmaajo diiday Heshiis hordhac ah oo Saakay laga gaaray intii badneyd qodobadii lagu muransanaa ee Saldhigga u ahaa Khilaafka Doorashada, Ciidamada Amaanka iyo kuwa Gobolka Gedo….

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Soomaalida ay mar kale ku heshiin waayeen qodobadii ugu muhiimsanaa Xuduntana u ahaa Khilaafka codeynta, warar saakay soo baxaayay ayaa ahaa kuwo heshiis buuxa laga gaaray qodobo dhowr ah gaar ahaan in la balaariyo Gogoshada iyo wada xaajoodka.

Villa Somalia ayaa ku eedeysay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Kulanka fashilka ku dhow, iyagoo ku andacooday inuu Farmaajo sameeyay tanaasulaad badan, Afhayeenka Dowladda Mr.Dubbe ayaa sheegay in Puntland iyo Jubbaland aysan rabin in Dalka ay Doorasho ka dhacdo asaaskeedu yahay 17-kii Sep.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa iney ka hadlaan saacadaha soo socda Fashilka shirka oo ay ku dhawaaqeen Farmaajo iyo kooxdiisa, iyadoo markii 4-aad uu burbur ku yimaado shirka Khilaafka Doorashada.

108780cookie-checkWada Hadaladii Teendhada Afisioni Oo Burburay