Maxkamada Gobolka oo Dil Toogasho ah Ku Xukuntay Dembiliihii Muqdisho ku Gubay Xaaskiisa..

Somalia news

Maxkamadda G/Banaadir ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday xukunka Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo Xaaskiisii Marxuumad Luul Cabdicasiis ku gubay Gurigii ay deganayeen ee degmada Dharkeynley magaalada Muqdisho…

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa akhriyay go’aanka ay maxkamadda ka gaartay kiiskan oo ahaa mid culus oo si weyn loo hadal hayey, wuxuuna ku dhawaaqay inay Maxkamadu ku heshay Dembiile Sayid Cali Macallin dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Dembiilaha ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Xaaskiisii Luul C/casiis oo u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray Dabkii uu sababtiisa lahaa Sayid Cali Macallin oo 24 sano jir ahaa.

Qareenka u doodaya Dembiilaha ayaa shaaciyay in xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay rafcaan ka qaateen xukunka dilka ah, isla markaana qodob ka mida eedihii xeer ilaalinta meesha laga saaray.

312820cookie-checkMaxkamada Gobolka oo Dil Toogasho ah Ku Xukuntay Dembiliihii Muqdisho ku Gubay Xaaskiisa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com